Wasiirka Dastuurka Oo La Kulmay Hoggaanada Bulshada Rayidka.

0
868

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Ahmed Jaamaca ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Hogaanada ururada bulshada rayidka Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xaaladda dalka uu marayo xilligaan iyo sidoo kale arrimaha dib-u-eegista dastuurka, Doorashooyinka, Hannaanka Federaalaynta iyo Dimuquraadiyeenta, Kootada haweenka, maqaamka iyo matalaadda caasimadda ee aqalka sare iyo qodobbo kale.

Wasiir Saalax oo su’aalo dhowr ah laga waydiiyay arrimaha dib-u-eegista dastuurka iyo sababta uu u dhammaan layahay dastuurka ayaa xusay in dastuurku uu yahay xarigga umadda isku haya loona baahanyahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo siyaasiyiin iyo bulshada kaleba, si uu u noqdo heshiis bulsho. Wasiirka ayaa ku baaqay in Siyaasiyiinta ay tahay in ay ka wada hadlaan arriaha masiiriga ah ee dastuurka si heshiis siyaasadeed looga gaaro. Wasiirka ayaa ku nuuxxuuxsaday in loo baahanyahay rabitaan siyaasadeed si loo dhamaystiro dastuurka.

Mar wax laga waydiiyay arrimaha doorashooyinka, ayaa xusay wasiirka in aysan jirin caqabad dastuuri ah oo ah in ay doorashada dhacdo, isagoo sidoo kale sheegay in baarlamaanku uu ansixiyay sharci doorassho iyo xeerrkii kaabayay. Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu baaqay ururada bulshada rayidka ah in ay ka shaqeeyaan arrimaha muhuumka ah ee saamaynta kuleh sida dastuurka.

Ururada bulshada rayidka ayaa bogaadiyay sida wasiirku uu uga jawaabay su’aalaha maskaxdooda ka guuxayay iyagoo ballan qaaday in ay si dhow ula shqayn doonaan wasaaradda arrimaha dastuurka, waxaana lagu ballamay in shir intaa ka baallaaran ay isug yimaadaan ururada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka si cadaadis loogu saaro madaxda in ay dedejiyaan dastuurka.

SAWORADA

Facebook Comments Box

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.