Wasiirada Dastuurka Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kulanku yeeshay magaalada dhusamareeb ee caasimadda Galmudug, waxaana ka soo qayb galay Wasiika dastuurka XFS Saalax ahmed jaamac iyo wasiirada Dastuurka Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed iyo gudoomiyaha guddiga lasocodka ee baarlamaanka Abdi hassan Awale Qaybdiid, waxaana loga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta ka dhexaysa wasaaradha dastuurka labada heer dowladeed iyo dardargelinta howlaha dib-u-eegista dastuurka.
Ugu horrayn, wasiirka dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamc oo kulanka furay ayaa uga mahadceliyay wasiika dastuurka Galmudug Daaud Mohamed Maalin soo dhawaynta iyo marti gelinta shirka, sidoo kale waxa uu u mahdceliyay wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada ka soo qayb galkooda shirka.
Wasiirka ayaa ugu horrayn khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta arrimaha dib-u-eegsta dastuurka isagoo sheegay in loo baahanyahay in dowlad goboleedyada ay door muuqda ka qaataan geedi socodka dib-u-eegista dastuurka, wasiirka ayaa xusay in loo baahnyahay in dowlad goboleedyadu ay ka soo jawaabaan su’aalaha masiiriga ah ee dastuurka sida Awood Wadaagga, Hannaanka Maaliyadda, Maqaamka caasimadda, Hannaanka Cadddladda iyo Amniga IWM. Wasiirka ayaa kula dardaarmay in ay dowlad goboleedyadu soo gudbiyaan aragtiyahooda qodobaddaas iyagoo eegaya habka wadamada federaalku u maareeyeen arrimaahas.
“Dastuurka farsamo ahaan wuu soo dhamaaday oo 85% waa la dhammaystiray, balse waxaa dhimman in arrimaha siyaasadda wax la iska yiraahdo oo madaxda qaranku ka fariistaan si ay heshiis uga gaaraan, wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada waa in ay howshaas hoggaan u noqdaan sidii loo soo dhammayn lahaa” ayuu yiri wasiir saalax.
Dhnaka kale, wasiirada Dastuurka dowlad goboleedyada ayaa ballanqaaday in ay sii joogteyn doonaan wada shaqayta kala dhaxaysa wasaaradda dastuurka federlka iyaoo sidoo kale bogaadiyay howsha laga soo qabtay dib-u-eegista dastuurka. Wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada ayaa hoosta ka xarriqay in dastuura la siiyo muhiimadda koowaad, waxayna ballan qaadeen in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay kala hadli doonaan dardargelinta arriamaha siyaasadda islamarkaana ay soo gudbin doonaan aragtidooda ku aadan arrimaha dib-u-eegista dastuurka.
Ugu dambayn, wasiirada dastuurka DF iyo DG ayaa ku ballamay in ay kulan kale iskugu yimaadan magaalda dhusamareeb 11 August si horey loogu sii dhaqaajiyo arriamaha dhimman.
=Dhammaad=