Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa maanta soo bandhigtay Warbixinta Dib-u-Eegista Dastuurka (2017 – 2021).

0
1479

Waxa maanta muqdisho ka furmay Shir lagu soo bandhigayo  Warbixinta dib-u-eegista dastuurka oo soo koobaysa guulihii laga gaaray dib-u-eegista dastuurka iyo caqadihii lala kulmay intii lagu guda jiray dib-u-eegista Dastuurka, iyo sidii horey loogu sii socon lahaa.

Waxbixintan oo ah diiwaanka waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka inta u dhexeysay Abriil 2017 illaa Maarso 2021.  Waxaa loogu talogalay in Dowladda soo socota ay ka hesho xog iyo faahfaahin kusaabsan:

  • Hawlaha iyo shaqooyinka ay qabatay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka;
  • Horumarkii la gaaray intii lagu jiray geeeddi socodka dib-u-eegsita dastuurka;
  • Qeybaha dhiman ee dib-u-eegista ee u baahan dadaal dheeri ah; iyo
  • Caqabadaha lala kulmay inta lagu gudo jiray geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka.

Waxbixinta ayaa waxaa lagu soo gabagabeynayaa soo jeedin loogu talogalay in dowladda iyo Maamulka Wasaaradda ee imaan doonoo in uu ka fakaro oo tixgelin siiyo sidii loo dhameeyn lahaa hannaanaka dib-u-eegista iyo siddii hore loogu socon lahaa.

Shirka waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Ahmed Jaamac, isagoo dul istaagay muhiimadda dib-u-eegista dastuurku u leedahay in uu noqoto mid loo dhanyahay oo laga wada qayb qaato, waxa uu xusay in muddadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay ay wsaaradda iyo labada guddi ay shaqo la taaban karo ka qabteen arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay harsantahay kaliya in heshiis siyaasadeed laga gaaro arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin awood waddagga, maqaamka caasimadda, hannaanka cadaalada, hannaanka maaliyadda federaalka, khayraad wadaaggaa, nooca dowladda iyo arrimaha la xiriira amniga.

“Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiinaysaa muxuu dastuurka u dhamman layahya. Arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ah in ay wax iska yiraahdaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada maadaama ay yihiin arrimo taabanaya masiirka dadka soomaaliyeed” Ayuu yuiri wasiir Saalax.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay u fududaysay xukuumadda imaan doonta in ay si dhaqso ah u dhammaystirto, maadaama ay diyaariyeen nuqullo xulashooyin ah ku saabsan arrimaha kor ku xausan ee siyaasadda halka arrimihii  farsamada ay hay’aduhu ka diyaariyeen nuqul dhammaytiran.

Warbixintan la soo bandhigay ayaa ah wax qabadkii afartii sano ee wasaaradda arrimaha dastuurka iyo guddiyada ay ka qabteen Dib-u-eegista dastuurka.

Halkaan ka degso warbixinta oo dhamaystiran

MoCa handover Report 2017-2021

SAWIRADA

Facebook Comments Box

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.