Shirka wada tashiga Hay’adaha Dastuurka Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleed oo maanta ka furmay Muqdisho.

0
323

Shirka wadatashiga hay’adaha Dasruurka heer federal iyo heer Dowlad goboleed ayaa maanta ka furmay magaalda Muqdisho kaas oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, waxaana ka soo qayb galay Wasaaradaha Dastuurka Dowlad goboleedyada iyo Guddiyada Dastuurka baarlamaanada Dowlad Goboleedyada iyo Xubno matalayay maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socon doona Muddo Saddex maalin ah ayaa u jeedadiisu tahay sidii loo soo gebagabayn lahaa dib-u-eegista farsamo ee dastuurka  ku meel gaarka ah oo ay ka soo shaqeeyeen hay’adaha Dastuurka .

Furitaanka kulanka waxaa kalmado ka jeediyay masulliyiin ka socotay hay’adaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed iyagoo xusay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah maadaama hay’adihii Dastuurku ay ka soo shaqeeyeen Dastuurka KMG maantana la soo gabagabeeyay qaybtii farsamo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac oo kulanka furay ayaa ku soo dhoweeyay martida ka soo qayb gashay kulanka isagoo bogaadiyay sida hay’adaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed ay uga wada shqeeyeen in maanta la soo gaaro gebegabaynta dib-u-eegista farsamo taas oo latashiyo badan lagala sameeyay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka ayaa xusay in ay muhiim tahay in aan sanad kasta dib loo soo bilaabin dastuurka maadaama uu muddo soo jiitamayay islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in baarlamaanku ay ansixiyaan dib-u-eegista farsamo halka arrimaha siyaasaddana dib looga wada xaajoon doono loona gudbiyo baarlamaanka 11aad.

“Hay’adaha Dastuurku waxay shaqo la taaban karo ka soo qabteen dib-u-eegista dastuurka muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay, waxaana rabnaa in howshaas aysan noqon hal bacaad lagu lisay, baarlamaankuna ansixyaan, si aan sanad kasta loo soo bilaabin dib-u-eegis cusub, Arrimaha Siyaasadda waxaan rajaynaynaa in la soo dhammeeyo iyadoo wax badan ay nooga diyaarsanyihiin balse aan weli laga wada xaajoon” ayuu yiri wasiir Saalax ahmed Jaamc.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga La socodka Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid ayaa sheegay in Guddiyada dastuurka ay soo dhammaystireen dastuurkii 85% farsamo ahaan, wxaana dhimman dhowr qodob oo uu dastuurku xusay in looga baahanyahay in ay kawada xaajoodaan dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga madaxa Bannan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Mohamed Daahir Afrax ayaa ugu baaqay baarlamaanka in ay meel mariyaan Arrimaha farsamada ee dastuurka maadaama waqti dheer uu soo qaatay Dastuurka.

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa qodoabada farsamada ee dib-u-eegista lagu sameeyay maadaama arrimaha siyaasadda ay heshiis ka geli doonaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

SAWIRADA

Facebook Comments

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.