Ololaha Wacyigalinta dib-u-eegista dastuurka oo muddo saddex maalin ah (1-3 March, 2020) ka socday Jowhar ayaa la soo gabagabeeyay waxaana ka soo qaybgalay dad kabadan boqol qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda hirshabelle ee Jowhar.
Ololahan oo ah mid ballaaran ayaa ujeedadiisu tahay in dadka soomaaliyeed ay ka qayb qaataan dib-u-eegisata dastuurka islamarkaana sare loo qaado fahamkooda ku aadan dib u eegista dastuurka iyo in sidoo kale loo soo bandhigo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed ee ku jira dastuurka si ay ufahmaan mowduucyada dastuurku ka koobanyahay.
Kulanka intii uu socday waxaa ka qayb galayaasha lala wadaagay nuqulada dib-u-eegista lagu sameeyay iyo sidoo kale agabyo ay ka heli kartaan xogta dastuurka, waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay khuburro kuwsas oo soo jeediyay mowduucyada u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed sida maqaamka caasimadda, caddaaladda iyo amniga, hannaanka maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka dowladda iyo awood qaybsiga.
Ka soo qaybgalayaasha ayaa bogaadiyay ololaha wacyigalinta ee wasaaradda dastuurka ay hurmuudka ka tahay waxayna codsadeen in labadiyo kulamada nuucaan oo kale ah si qof kasta oo soomaaliyeed fursad ugu helo in uu fahmo aragtina ku yeesho dastuurka.
Agaasimaha wacyigelinta wasaaradda dastuurka XFS Abdikani Ali Adan oo xiritaanka kulanka ka hadlay ayaa ugu mahadceliya ka soo qaybgalayaasha sida ay uga qayb qaateen barnaamijka waxa uuna hoosta ka xarriqay in ay sii wadi doonaan kulamada nuucaan oo kale ah si sare loogu qaado ogaalka dadka ee ku aadan dastuurka.
Agaasime abdikani ayaa xusay in ololahan uu socon doono muddo saddex bilood ah, iyadoo wasaaraddu ay ku soo qabatay kulamo nuucaan oo kale ah magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Dastuurka Hirshabelle, Mudane Xil. Sadakh Mukhtar oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay wasaaradda dastuurka XFS in kulankan ay ku qabato jowhar si dadka reer hirshabelle ay wax uga ogaadaan geedi socodka taarikhiga ah ee dib-u-eegista dastuurka isla markaana ay aragtidooda ku biiryaan.
“ Waxaa sharaf u ah dadka reer hirshabelle in ay aragti ku yeeshaan geedi socdka dib-u-eegista dastuurka, maadaama dastuurku yahay heshiis bulsho, Dastuurku wuxuu ku meel gaarka uga bixi karaa in sidaan oo kale loogu wacyigeliyo dadka fikradohoodana ay ku daraan” ayuu yiri Wasiir Saadaq Mukhtaar
Dadakii ka soo qayb galay kulanka ayaa su’aalo laxiriira dib-u-eegist Dastuurka waydiiyay khuburada ka socday wasaardda dastuurka.
Kulankaan ayaa ah kulankii saddexaad oo ay qabato wasaaradda dastuurka, iyadoo kulammo nuucaan oo kale ah lagu qabtay Banaadir iyo Baydhabo, waana olole baahsan oo lagu qaban doono dhammaan dowlad goboleedyada.
SAWIRADA