Ololaha Wacyigalinta Dib-u-Eegista Dastuurka oo Ka furmay Baydhabo.

0
611

Ololaha wacyigalinta ee dib-u-eegista dastuurka oo muddo saddex beri ah ka socon doona magaalada baydhabo ayaa maanta ka furmay xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 100 qof oo ka mida dadka ku nool KGS ayaa waxa lagu soo bandhigi doonaa howlaha dib-u-eegista dastuurka, waxa ayna dadka koonfur galbeed ay fursad u heli doonaan in ay aragtidoota ku biiriyaan cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay. Sidoo kale khuburo ayaa soo bandhigo doona mowduucyada ay ka midyihiin arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed eek u jira dib-u-eegista dastuurka sida awood qaybsiga, khayraad wadaagga, maqaamka caasimadda, nidaamka cadaaladda, hannaanka maaliyadda iyo amniga.

Kulanka waxaa kalmado furitaan ah ka jeediyay gudoomiyaha baydhabo Xasan Moalim Biikile, agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka koonfur Galbeed Soomaaliya Jeylaani Abdulaahi iyagoo xusay in ay muhiim tahay in dadak reer koonfur galbeed Soomaaliya ay ka qayb qaataan dib- u-eegista dastuurka ayna aragitooda ku biiriyaan, waxayna uga mahadceliyeen wasaaradda dastuurka in kulankaan wacyi galinta ah ay ku qabato Baydhabo.

Agaasimaha wacyigalinta wasaaradda arrimaha dastuurka XFS Abdikani Ali adaan ayaa ka qayb galayaasha u sharraxay muhiimadda ololaha wacyigalinta ee ay waddo wasaaradda arrimaha Dastuurka, kaa oo socon doona muddo 2 bilood ah Feebaraayo – Maarso, 2020.

“Ololahan wuxuu socon doonaa muddo laba billood ah, Feebaraayo – Maarso 2020, waxaa lagu  qaban donaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka, waxaana lala wadaagi doonnaa ka qaybgalayaasha cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay si ay taladooda ugu biiriyaan” ayuu yiri Agaasime Abdikani.

Ololahan oo ah mid ballaaran ayaa ujeedadiisu tahay in dadka soomaaliyeed ay ka qayb qaataan dib-u-eegisata dastuurka islamarkaana iyo aragtidooda ku biiriyaan cutubyada dib-u- eegista lagu sameeyay iyo in sidoo kale loo soo bandhigo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed ee ku jira dastuurka si ay ufahmaan mowduucyada dastuurku ka koobanyahay.

Kulankaan ayaa noqonaya kulankii labaad, iyadoo kulankii kan ka horreeyay lagu  qabtay gobolka banaadir bilowgii bishaan, waxaana kulmo kale oo nuucaan ah lagu qaban doonaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka.

SAWIRADA

Facebook Comments Box

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.