Masuuliyiinta ugu sareeysa Wasaaradda Dastuurka oo kulan la qaatay gudoonka Aqalka Sare

0
402

17952723_10155211739879740_5518655806036286145_n

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka  Mudane Avv Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehlinayeen Wasiir Ku-Xigeenka Dr Xuseen Cabdi Cilmi iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi iyo Ku-Xigeenadiisa.

Shirka inta uu socday ayey masuuliyiinta ka wada hadleen geedi socodka dib loogu eegayo Dastuurka dalka iyaga oo isku afgartay in dedaalada la kordhiyo si loo gaaro himilooyinka Wasaaradda oo ay kamid tahay dib u eegista iyo afti u qaadista Dastuurka.

Waxa ay aheyd bishii hore markii Wasiirka loo soo magacaabay xilkan isga oo durba billaabay dedaalo dheeri ah oo ku aaddan wax ka qabashada hawlaha horyaalla Wasaaradda oo muhiim u ah gaarista dorashada qof iyo cod ee la rajeynayo in dalka ay ka dhacdo 4ta sanno ee soo socota.

 

Facebook Comments Box

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.