Kulanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed oo ka furmay Magaalada Baydhabo.

0
440

Kulan Farsamo oo u dhexeeya Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah federaaka ayaa maanta ka  furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka Soo qayb galay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer federal iyo heer Dowlad goboleed ee kala ah Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka XFS, agaasimayaasha guud ee  Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir shabelle. Kulanka ayaa u jeedadiisu tahay in la iska xog waraysto sida ugu haboon ee la iskaga kaashan karo arrimaha farsamo ee ku aadan howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo doorka ay agaasimayaasha guud ka qaadan karaan xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowladdaha xubnaha ka ah federaalka.

Kulanka oo ah mid farsamo iyo is-xogwaraysi waxa uu socon doonaa muddo saddex maalin ah iyadoo lagu lafa guri doono arrimaha farsamo iyo in lagu soo bandhigo heerka uu marayo dib-u-eegista dastuurka iyo qiimaynta horumarada laga garay iyo caqabadaha lala kulmay intii lagu guda jiray dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Dastuurka  heer federal ayaa soo dhoweeyay kulanka waxa ayna xuseen in lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo xiriirka wasaraadaha dastuurka ee heer federal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah federaalka islamarkaana ay ballan qaadeen in ay doorkooda ka qaadan doonaan sidii loo dhamaytiri lahaa dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale waxa ay xuseen in ay wasiirada dastuurka ee wasaaradahooda ay kala shaqayn doonaan sidii heshiis farsamo looga gaari lahaa arrimaha u baahan wada xaajiiodyada siyaasadeed.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS mudane Maxamed Abukar Zubeyr ayaa sheegay in ay muhiim tahay  wada shaqynta agaasimayaasha guud ee wasaraadaha dastuurka ee heer federal iyo heer dowla goboleed,  si loo kala sooco arrimaha farsamo iyo arrimaha siyaasadda.

“Natiijada laga filayo kulankaan ayaa ah in sare loo qaado wacyiga,  fahanka iyo macluumaadka heerarka uumarayo dib-u-eegista dastuurka si la iskula jaanqaado” ayuu yuri Agaasimaha Guud ee Wasarradda Dastuurka XFS Mohamed Abukar Zubeyr.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Warsame oo kulanka furay ayaa uga mahadceliyay agaasimayaasha guud sida ay u aqbaleen marti galinta shirka, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqaynta agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed si loo dhammaystiro Dastuurka ku meel gaarka ah.

Sawirada

Facebook Comments Box

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.