Hay’adaha dib-u-Eegista Dastuurka oo maantay kulan la yeeshay Xukuumadda iyo Baarlamaanka DKGS.

0
133

Hayadaha u xilsaaran dib-u-Eegista Dastuurka ayaa maanta magaalada baydhabo kulan wadajir ah kulan yeeshay xukuumadda iyo Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay Arrimaha masiiriga ah ee ku jira Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Arr. Dastuurka Mudane Saalax Ahmed Jaamac oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay in looga fadhiyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay aragtidooda ku aadan qodobada dib u eegista lagu sameeyay usoo gudbiyaan hayadaha dastuurka si loogu daro nuqulka saddexaad ee dastuurka.

“Waxaan qorshaynaynaa in Baarlamaanka la horgeeyo arrimaha farsamada ee dib u eegista lagu sameeyay, sidaa darteed waxaan halkaan u joognaa in aan qaado aragtidiina si loogu soo daro nuqulka saddexaad ee dastuurka si uu Baarlamaanka u ansixiyo” ayuu yiri wasiir Saalax.

Kulanka oo uu shir gudoomiyay sii hayaha madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya ahna gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Ali Said Fiqi ayaa bogaadiyay howlaha ka qabsoomay geedi socodka Dastuurka isagoo xusay in aragtida koonfur galbeed ee ku aadan qodobada masiiriga ah ee dastuurka ay soo gudbin doonaan iyagoo soo marinaya Wasaaradda Dastuurka koonfur galbeed.

hay’adaha u xilsaaran dib u eegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii looga mira dhalin lahaa shaqada ay ka soo qaybteen Dib u-eegista Dastuurka.

SAWIRADA

Facebook Comments

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.