Hay’adaha Dib-u-eegista Dastuurka oo kulan wada jir ah la yeeshay Labada Gole iyo Bulshada Rayidka Galmudug

0
270

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah wasaaradda arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan wada jir ah kula yeeshay magaalada dhuusamareeb ee caasimadda galmudug labada gole ee xukuumadda iyo baarlamaanka galmudug iyo bulshada rayidka ah ee galmudug kaasoo u jeedadiisu ahayd in la helo aragtida dowladda galmudug ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka waxaa ka soo qayb galay Golaha Wasiirada Galmudug, Xildhibaanada Baarlmaanka Galmudug, iyo Bulshada rayidka ah ee Galmudug, iyo maamulka magaalada dhuusamareeb.

Soo dhowaynta ka dib, waxaa kulanka kalmado ka jeediyay wasiirka wasaaradda Dastuurka galmudug mudane Daaud Maxamed Maalin isagoo sheegay in dowladda galmudug gaar ahaan xukuumadda ay soo diyaarisay aragtidooda ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lag sameeyay, sidoo kalana baarlamaanka Galmudug ay soo gudbin doonaan dhowaan.

Dhanka kale, gudoomiyaha Guddiga lLasocodka Baarlamaanka Abdi Hassan Awale iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mohamed Dahir Afrax oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in hay’adaha dastuurka uu ka soo dhammaaday dastuurkii farsamo ahaan islamarkaana ay la tashiyo badan kala yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, maantana ay u qabanayaan shirkaan sidii loo soo uruurin laha taladii dowladda Galmudug ay ku darsan lahayd dastuurka si loogu daro dastuurka.

Gebagabadii, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka mudane Lutfi Sheriff Mohamed oo kulanka furay ayaa sheegay in shirkaan loo qabtay soo uruurinta aragtida dowlad goboleedka galmudug ee ku aadan nuqulka labaad ee dastuurka dib-u-eegista lagu sameeyay. Wasirka ayaa xusay in Hay’adaha dastuurka ay waqi badan geliyeen sidii dastuurka loo dhammaytiri lahaa, iyagoo shaqo adag ka soo qabtay, maantana uu marayaa gebagebo.
“ Waxaan maanta u joognaa in aad nala wadaagtaan aratidiina ku aadan qodobada dastuurka ee dib – u-eegista lagu sameeyay mid farsamo iyo arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed ee ay idinla wadaageen hay’adaha dastuurka” ayuu yuru wasiir Lutfi sherriff Mohamed.

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa qodoabada farsamada ee dib-u-eegista lagu sameeyay maadaama arrimaha siyaasadda ay heshiis ka geli doonaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

SAWIRADA

 

Facebook Comments

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.