Hay’adaha Dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay Bulshada Rayidka Koonfur Galbeed

0
184

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah wasaaradda arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Baydhabo ee caasimadda Koofur Galbeed Soomaaliya bulshada rayidka ah,  kaas oo u jeedadiisu ahayd in la helo aragtida dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay.

Kulanka  oo ay soo qabanqaabiyeen saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka waxaa ka soo qayb galay haweenka, dhallinyarada, aqoonyahanka iyo dadka naafada ah ee ku nool Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Soo dhowaynta ka dib, waxaa kulanka kalmado ka jeediyay wasiirka wasaaradda Dastuurka XFS Mudane Saalax Ahmed Jaamac isagoo xusay in Bulshada Rayidku ay door muhiim ah ku leeeyihiin geedi socodka Dastuurka, loona baahanyahay in ay aragti ku yeeshaan dastuurka; maadaama ay matalayaan shacabka.

“Bulshada koofur Galbeed waxaan dhowr jeer la tashiyo kala samaynay arrimaha dib-u-eegista dastuurka, maantana waxaa la joogaa xilli gabagabo ah, sidaa darteed waxaan halkaan u nimid In aan helno aragtidiina ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay” ayuu yiri Wasiir Saalax Ahmed Jaamac

Dhanka kale, Xubanaha Guddiga lLasocodka Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha  Ku xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Mumina oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in hay’adaha dastuurka uu ka soo dhammaaday dastuurkii farsamo ahaan islamarkaana ay la tashiyo badan kala yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, maantana ay u qabanayaan shirkaan sidii loo soo uruurin laha taladii dowladda Koofur Galbeed ay ku darsan lahayd dastuurka si loogu daro dastuurka.

Gebagabadii, ururada Bulshada Rayidka ayaa ka mahadceliyay sida looga talo gelinayo arrimaha dastuurka waxayna aragtiyo la taaban karo ka dhiibteen qodobada dastuurka iyagoo sidoo kalana su’aalo maangal ka waydiiyay madaxda ka socotay hay’adaha u xilsaran dib u eegista dastuurka oo uu ugu horreeyo wasiir Saalax Ahmed Jaamc.

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa qodoabada farsamada ee dib-u-eegista lagu sameeyay maadaama arrimaha siyaasadda ay heshiis ka geli doonaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

SAWIRADA

Facebook Comments

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.