Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta muqdisho uga furmay kulan ku saabsan turxaanbixinta nuqulka 3’aad ee qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta warbixinta kama dambaysta ah ee Dib-u-egista Dastuurka.
kulanka ayaa waxaa warbixin ka jeediyay guddiyada dastuurka oo soo dhammaystiray nuqulka saddexaad ee dastuuurka iyagoo sheegay in ay soo gabagabeeyeen islamarkaana maanta ay ka shaqaynayaan turxaan bixinta nuqulka saddexaad.
kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay wax kabedelka nuqulka 3-aad ee dastuurka iydoo ka qaybgalayaashu ay aragtiyo ka dhiibteen nuqulka ay soo diyaariyeen guddiyada dastuurka.
Dhanka kale, kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro warbixinta kama dambaysta ah ee dastuurka si loo helo warbixin dhammaystiran oo loo gudbin doono baarlamaanka 11-aad si uu u ansixiyo.
Hay’adaha ayaa qorshaynaya in marka ay turxaan-bixiyaan nuqulka 3’aad Dastuurka ay latashiyo kala yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee bulahada iyo siyaasadda.
SAWIRADA