Hay’adaha Dastuurka oo la kulmay siihayaha Madaxwaynaha Dowladda Koofur Galbeed

0
117

Wasiirka Dastuurka mudane Saalax Ahmed Jaamac iyo wafdigiisa labada Guddi ee ku sugan Baydhabo ayaa kulan la yeeshay sii hayaha madaxwaynaha Koonfur galbeed mudane Ali Said Fiqi, waxayna ka wada hadleen howlaha ka qabsoomay Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Saalax Ahmed Jaamac oo ka hadlay kulanka ayaa ka warbixiyay howlaha ka qabsoomay Dib u-eegista Dastuurka, isagoo xusay in 80% la dhammaystiray dastuurka farsamo ahaan halka arrimaha siyaasadda ay kawada xaajoon doonaan Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada .

Dhanka kale, siihayaha madaxweyne Ali Said Fiqi ayaa bogaadiyay howsha laga qabtay geedi socodka Dastuurka isagooo sheegay in Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay in ay door muuqda ka qaataan arrimaha hortabinta u leh hannaanka Dib u-eegista Dastuurka. Sidoo kale, waxa uu sheegay in ay soo gudbin doonaan aragtida ay ka leeyihiin cutubyada Dib u-eegista lagu sameeyay kuwaas oo loo soo gudbiyay bishii Maarso ee Sanadkan.

Dastuurka Soomaaliya ayaa ah mid soo idlaaday dhanka farsamada iyadoo kaliya ay dhimmanyihiin arrimaha siyaasadda kuwaas oo ay kawada xaaajoon doonaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

SAWIRADA

Facebook Comments

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.