Dastuurka

Hanaanka Dastuur ee Soomaaliya

 

  1. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Ha’yadaha kale eek u shaqada leh hanaanka dib u eegista arrimaha Dastuurka waxay samaynayaan barnaamijka waxbarashada madaniga ee ku saabsan waxa dastuurku qabto, mabaadi’da dastuurka soomaaliya iyo hanaanka loo marayo dib u eegista arrimaha dastuurka.
  2. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La socodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waxay bulshada Soomaaliyeed  kala tashanayaan arrimaha Dastuurka iyo waxa uu ka hadlayo.
  3. Guddiga La socodka Baarlamaanka wuxuu tilamaamo siinayaa Guddiga Madaxa banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo isna diyaarinaya hormo qoraalka wax ka bedalka Dastuurka isagoo tixgelinya aragtida iyo ra’yiga dadka. Guddiga La socodka Baarlamaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo wadajira waxay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u gudbinayaan horma qoraalka dastuurka wax ka bedalka lagu sameeyay.
  4. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ka doodayaa kadibna ansixinayaa soo jeedinta wax ka bedalka lagu sameeyay Dastuurka Ku meel gaarka ah.
  5. Qormada Dastuurka ee la meel mariyay ayaa loo bandhigayaa dadweynaha Soomaaliyeed si ay afti ugu qaadaan.

Sida looga qeyb qaadan karo Hanaanka Dib u Eegista Dastuurka

 Ka qeyb gal kulamada arrimaha dastuurka ee lagu qabanayo degaankaada, kana dhiibo fikradaada. Hay’adaha u xilsaaraan dib u eegista arrimaha dastuurka waxay gaarayaan dhamaan Gobolada Dalka.

  1. U dir fariin Wasaaradda Arrimaha Dastuurka (info@moca.gov.so), Guddiga La socodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
  2. Isticmaal baraha bulshada sida: facebook iyo twitter.

Ka qeyb qaadashada arrimaha dastuurka waxa ay noqon karto

Dastuurku wuxuu hagayaa noloshaada. Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista dastuurka waxay u baahanyiin in ay ogaadaan fikirkaada ku aadan waxa dastuurka ay tahay in uu ka dhaho Dadka Soomaaliyeed,bulshadaada,dhibaatooyinka soo wajaha dowladda,waxa laga qaban karo horumarinta nabadda iyo midnimada, xuquuqda aadanaha,doorashooyinka iyo ka qeybgalka bulshada ee dowladnimada IWM.

 

Facebook Comments