Arimaha Dastuurka

WaajibaadkaWasaaradda

 

Waajibaadkeenu  waa fududeynta iyo horumarinta siyaasada iyo latashiyada bulshada oo ay qeyb ka yihiin Xukuumada Federaalka,Maamulada Goboleedyada hoos yimaad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ururada siyaasadda, ururada bulshada iyo dhaqanka iyo guud ahaan bulshada soomaaliyeed si loo abuuro jawi furan,  hufan loona dhanyahay ee ku aadan dib u eegista arrimaha dastuurka iyadoo lala kaashanayo Guddiga La socodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

 

Yoolka

 

Yoolkeenu waa Dastuur isu keena isla markaana mideeya umadda Soomaaliyeed.

 

Hiigsiga

 

Hiisigeenu waa soo bandhigidda Dastuur dhamaystiran, la taageersanyahay, ka turjumaya isla markaana matalaya aragtida dadweynaha Soomaaliyeed ee ku aadan nidaaamka dowladeed, xuquuqda iyo waajibaadka ka saaran qarankooda.

 

 

Qiyamka Aasaasiga

 

Mabaadi’da iyo hal kudhigeenu waa:

  • Nabadgelyo iyo Midnimo Qaran
  • Dimoqraadiyad, Dowlad Wanaag iyo Sareeynta Sharciga
  • Xuquuqda Aaadanaha
  • Xuquuq loo siman yahay
  • U cadaalad sameynta labka iyo dhedig
  • U dhamaashaha iyo ka qeybgalka dadweynaha.
Facebook Comments